Sidee loo Sameeyaa $2700 Usbuucii qaab Fudud Affiliate Marketing

Waa maxay affiliate marketing?

Affiliate marketing waa qeyb kamid ah suuq geynta dijital ka ah, waa qaabka ugu fudud uguna dhaqaalaha fiican dhamaan online, dhaqaale ka samee ama haka sameyn meel walba aad ka soo gasho suuqyada online waa meesha labaad ee dhaqaale kaa soo galayo.

Youtuberada lacag ka sameeya youtube isha labaad ee dhaqaaluhu ka soo galo waa affiliate marketing, bloggers ayagana marka laga soo tago adsence waa meesha labaad ay dhaqaalaha ka sameeyaan, freelancers ayagana sidoo kale, meeshaad doonto ka soo gal online lama huraanku waa affiliate marketing, Hadii dhaqaale fiican ka rajaynayso.


Sidee u shaqaysaa affiliate marketing?

Affiliate Marketing waxaad xayeysiinaysaa alaab ama adeeg qof kale leeyahay adiga oo isticmaalaya linkiga alaabta ama adeega kadib Hadii qof kayimid linkigaaga iibsado alaabta qofka kale, ama isticmaalo adeega qofka kale, waxaad ku leedahay komiishan.

Matihid Qofka Wax iibinaya Mana tihid Qofka iibsinaya, waxaa tahay qofka isku xera labadooda, Mid wa xaa uu rabaa inuu wax iibsado midna in wax laga iibsado Hadii aad isku keento labadaas qofood waxaad ku leedahay komiishan, waa intaas.

Maxay kaga duwan tahay Xirafadaha kale?

▪︎Bilow fudud: Majirto shuruuda lagaaga baahan yahay, lacag aad ku bilaabeyso, xirfad lagugu xujeynaayo, shahaado lagaa rabo, imtixaan lagaa qaadaayo, wadan lagaa diidaayo, kaliya inaad sign-up dhahdo uun baa kaa xigta iyo qaabka la isku diiwaan geliyo inaadd fahansan tahay, waxay kugu qaadanee hal ama laba saacadood inaad fahanto.

Khasaaro la’aan: majirto lacag aad khasaarayso haba yaraatee hal dollar, majiro wakhti kaaga lumaayo barasho ama howl qabasho waa Link copy dheh kadibna post dheh, kuma lihi lacag lama galiyo markaad fahanto lacag waad gelinee balse maaha inaad khasaaareysid ee waxaad ku laba jibaaree uun lacagtaada.

Lacag degdeg ah: waa qaabka ugu fudud ee aad si dagdag ah lacag uga sameyn karto online, kama hadlaayo hal iyo laba dollar waxaan ka hadlaa 100$ 200$ ilaa 1k$.

Tusaale yar: waxaad heysataa Link 10$ aad ku qaadaneysid markii qof sign-up dhaho, waxaan rabaa inaan ku fahansiiyo sida dagdaga ah aad lacag uga sameyn karto, karo qaad 10 qof oo saaxibadaa ah ayaad u dirtay linkigaan ii sign-up gareeya way kaa aqbaleen 10 qof × 10$ = 100$.

Fursad Badni: waxaad heleysaa boqolaal shirkad kala duwan aad wax u xayeysiiyo, halka aad u shaqaale ka ahaan leheed shirkad, waxaad ka sameyn karataa kaliya affiliate marketing dhowr ilal oo ay dhaqaale fiican kaa soo galaan, adiga oo iska diiwana geliya shirkado fara badan oo kala duwan sida shirkadaha tiknooljiyada, shirkadaha dharka, shirkadaha caafimaadka, waliba waxaa sii dheer shirkad walba waxaad u xayeysiin karaysaa waxyaaba kala nuuc ah, halkii shirkad baa waxaa laga yaabaa inay leedahay boqolaal alaaboodiyo adeegyo kala duwan.

Dhaqaalo fiicni: affiliate waxa uu ka mid yahay gabi ahaanba ganacsiyada ugu dhaqaalaha badan online, hal qof oo wax iibsada ayaad programska qaar ku heleysaa 1,000$, halka aad program yada qaar qofka asiga oon waxba iibsan 100$ kaa soo galaya, waxaad dareemi kartaa meel aad hal qof ka sameynaysid lacag nuucaas ah 100 qof oo aad bishii xooga saarto intaad ka samyn karto, maskaxda ku jirto meesha waa dadku in uu yahay hanti.

Sidee u bilaabi kartaa affiliate marketing 

Yeelo niche: Waa maxay niche? Niche waa mawduuc cayiman ee uu qofku diirada saarto, Hadii aad bilaabayso affiliate amaba ganacsi walba oo online ah waxaa inaad lahaataa niche, intaadan waxba bilaabin ka hor is waydii dhowr su’aalood.

Maxaan xiiseeyaa? Maxaan ku fiicanahay? Maxaan fahansanahay ama ii bilaaban? Marka aad rabtid inaad heshid niche adiga ku quseeya oo aad khibrad u leedahay amaba isweydii niche gee ugu dhaqaala fiican? Niche gee dadku xiiseeyaan? niche gee tartan yar suuqa? waxaa jiro qaabab badan oo loo helo niche balse waxa uu ka rabaa mid walbo baaris iyo fahan fiican, ganacsi online ah bilowgiisu waa niche ee yeelo niche kugu Haboon.

▪︎Dhiso shacbiyad: Affiliate waa qayb ka mid ah suuq geynta sidaan bilowga kuugu sheegay marwalbo waxaad u baahantahay shacbiyad aad ku suuq geyso ganacsigaaga, suuq geeye ayaan noqonaa shacbiyad na ma heysto isma keento,Waad heli kartaa shacbiyad ha yaraato ama habadatee balse waxaa muhiim ah in ay noqdaan shacbiyad daneenayso niche gaaga ama mowduucaaga waana waxa la isku dhaafo, Hadii aad 100k oo qof filimada comedy ga ah xiiseeya aad horor u daarto adaa yaqaan haadad ul usoo qaadan leheed iyo Hadii kalaba,muhiimadu waa in shacbiyada aad dhisayso ku dhistaa mowduucaaga.

▪︎Dooro program: affiliate waxaa jira boqolaal program aad ku xermi karto si fududoo aad xayeysiin karto ama suuq geyn karto, muhiimadu maaha inaad haysato programs fara badan iyo links xadka dhaafay ee waa inaad heshaa affiliate program khuseeya mowduucii aad dooratay sidoo kalena Shacbiyadaadu ay ku dhisneyd.

waxada heli kartaa dhowr program oo adiga iyo shacbiyadaada ku haboon laakin farsamo yar aan kuugu daro, waxaa lagu doortaa program ka aad dooranaysid wax la dhaho ‘Win to win’ waa program adiga iyo shacbiyaadaaduba ku faa’idayaan, haduu yahay mid kaligaa faaido kuugu jirto cid aad amarto ma jirto oo samee waxaad dhahdid sameynaysa.

▪︎Sharax waxa aad xayeysiinayso: ugu dambeyn wax walba waad soo hagaajisay waxaa lagaaray xiligii aad dadka usoo bandhigi lahayd linkigaaga, waa inaad dadka u sharaxdaa linkigaan maxaa faaido ku jirto, hadii uu qofku ku dhufan waayo maxaa dhaafaya, Hadii uu ku dhufto muxuu helayaa, mar Hadii aad ka jawaabto su’aalaha nuucaas ah waxa fududaaneysa in aad gaarto meeshaad u socotay uu ehayd inaad lacag sameyso.

Gabogabo: intii karaamkeyga ahaa waan kula wadaagay adiguna inta karaamkaaga ah isku day qoraal kaan inaad xaqiiqo u badasho, waxwaba kugu adag ama aad fahmi la’dahay maanta qof bay u tahay waxa ugu fudud noloshiisa uu sameeyo, wax kale maaha waa ku celceliska iyo laqabsiga, lacag sida loo sameeyo ma fududa Hadii aad maqasho xitaa qaabka ugu fudud ee lacag loo sameeyo, waa kaliya qaabka ugu fudud ee maaha mid sida aad moodid u fududaan doona.

Hadii aad jeceshahay inaan wax badan ka qoro affiliate marketing igula wadaag dhanka hoose ee comment ga ama ay jiraan waxyaaba qaas aad ugu baahan tahay inaan ka soo hadlo oo khuseeya lacag sameynta online.
Previous Post Next Post