BUUGA LOOLAN PDF AF-SOMALI LA DAG HADA

LOOLLAN (XEELADAHA DAGAALKA)

Dhiganahan Loollan ee Sun Tzu, waa mid ka mid ah buugaagta xardhan ee laga soo gaadhay sooyaalkii hore ee adduunka. Waa mid ka mid ah buugaagta ugu caansan uguna mudan ee ilbaxnimooyinkii Shiinaha. 

Sababta illaa hadda kaalinta uu adduunka ugu jiraa u dhinmi wayday waxa loo aaneeyaa, in uu ilaa waayahan ugub ee wax waliba sidoodii iska dooriyeen ku habboon yahay oo xeerarkiisu ay yihiin isla kuwii waayahaasba la adeegsan jiray ee qaabka fulintu uun kala geddisan tahay. Waxana uu noqday buugga istiraatiijiyadeed ee Aadame qoray ee ugu mudan ilaa hadda. 

Sun Tzu waxa uu talooyinkan iyo tilmaamahan u soo tebiyay taliyayaashii la ayniga iyo ayaamaha ahaa in ay ka waxtaransadaan, waxana aad u dhaqangaliyay tilmaamihiisa dagaalyahan sharafeedyadii sheegganaa ee reer Japan ee Samurai , sida ugu mudanna waxa uga sii faa’idaystay hoggaamiyaha ku suntan kacaankii horumarka Shiinaha ee Mao Zedong .

Ilaa haddana ganacsatada waaweyni isaga ayay istiraatiijiyadaha uga shidaalqaataan oo ku tiirsan yihiin. Maadaama ay adkayd helitaanka agabka qoraalku, waxa uu adeegsaday Sun Tzu weedho koobkooban oo ereyadeeda uu u doortay si ka fiirsi leh, afnaqayaashana aad ayaa ay u daaliyeen tarjumiddoodu, adeegsigana si ku habboon ayaa ay ugu soo baxayaan marka laga dhabaynayo ee fal loo rogayo. 

Hindisaha Dagaalku xoogga saari maayo keliya sida libinta lagu gaaadhayo, ee waxa uu iyadana aad ugu nuuxnuuxsanayaa sida looga dheeraado jabka iyo khasaaraha, iyada oo aan dagaal la galin in guul la soo hooyana wuu higsanayaa. Allifaha dhiganahani waxa uu u doortay in uu aragtiyihiisa iyo mabda’yada uu ka qabo dagaalka iyo xeeladihiisa ku soo tebiyo weedho koobkooban oo murti mug weyn xanbaarsan, waxa uu u dhigay qaab ah hadal waa kii kooban ee kaalingal ah.

Waa buuggii ugu horreeyay ee inta ilaa hadda laga warqabo waaxda dagaalka laga qoro, waxana uu xanbaarsan yahay falsafad ku habboon arrin kasta oo la aasaaso oo madax iyo minjo leh, maarayn iyo maamulna u baahan. 

Dhiganahani kuma uu koobsan hindisaha dagaalka oo keliya, ee waxa lagu allifay Shiinaha oo qudha in ka badan 1,000 buug oo dhammaantoodba sharraxaya buuggan “Loollan” istiraatiijiyadihiisana ka shidaal qaadanaya oo fasiraya. Heerka uu ka gaadhay ahmiyadda uu u leeyahay aqoonta dagaalka, taliyihii reer Ingiriis ee Marshal Montgomery waxa laga hayay: “waa lamahuraan in dhiganahan Loollan lagu daro liiska cutubyada waxbarashada ee kulliyadda ciidanka ee caalamka oo dhan”.

Dowload

Previous Post Next Post